Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta Mu’asasada Imaamu Shaafici ku wareyjisay Agab Waxbarasho oo muhiim u ah ubadka Soomaaliyeed ee iskuulkaas wax ku barto.
Agabka xaruntaas hay’adda maareynta gaarsiisay waxaa kamid ah kuraas, miisas iyo agab xafiiseed waxaana guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle agabkaan uu ku wareejiyey maamulka sare ee Mu,asasadaas, iyaga oo u mahadnaqay hay’adda SoDMA.
Guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee iskuulkaas faraciisa Degmada Hodon, waxaana socdaalkaan ku wehliyey mas’uuliyiin ka kala tirsan hay’adda maareynta, iskuulka imaamu shaafici iyo xubno ka tirsan hay’adda Alraxma oo agabkaan hore ugu soo wareejisay hay’adda SoDMA.