Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
7 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo daah-furay shir looga hadlayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo looga hadlaayay xoojinta doorka haweenka ee howlaha gargaarka bini’aadannimada ee dalka.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galay mas’uuliyiin ka socotay ururada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha UN Women ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Somali NGO Consortium.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Shirka wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa isku-dubaridka ka dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs), Ururada Bulshada Rayidka ah (CSOs), iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya (SoDMA). Ujeeddada iskaashigan ayaa ah in la hubiyo in howlaha gargaarku noqdaan kuwo loo dhan yahay, oo si wax-ku-ool ah uga jawaaba baahiyaha bulshada, gaar ahaan kuwa haweenka iyo gabdhaha.

Sidoo kale waxaa la isla gartay in la dejiyo qorshaha isku-xirka joogtada ah ee ka dhexeeya Ururada Haweenka (WLOs) iyo mas’uuliyiinta GiHA. Talaabadan ayaa abuuraysa fursado cusub oo lagu wada shaqeeyo, lana wadaago macluumaadka.

Previous Post

Madaxweynaha KGS oo shir guddoomiyay shirka amniga

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka kumaandooska Danab

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In