Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo guddoomiyey kulan muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirar gaar gaar ah oo looga hadlayey u diyaar-garowga iyo ka jawaabista abaarta la saadaalinayo ee La-nina kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA.

Shirkaan oo laba qeyb ahaa ayaa qeybtiisa 1-aad waxaa diiradda lagu saaray ka hortagga abartaan, sidii loo kordhin lahaa wacyigalinta bulshada ee ku aaddan sida looga gaashaaman karo iyo qorshaha nimdaam ay dowladda hoggaaminayso la iskulana shaqeynaayo sidii looga jawaabi lahaa abaartaan, sidoo kale shirkan ayaa si qota dheer looga hadlay hoggaaminta iyo iskuduwidda arimaha ka jawaabidda xaaladaha degdegga ee hay’adda SoDMA iyadoo si dhow ula shaqayneeysa nidaamka Unified Social Registry (USR) ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulankaan waxaa ka soo qeyb-galay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha Beni’aadannimada iyo horumarinta, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, sidoo kale, shirka qeybtiisa 2-aad waxa uu Guddoomiyaha SoDMA la qaatay ku xigeenka Ergayga gaarha ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Sooomaaliya Mudane George Conway oo ay wehliyaan Hay’adda Isku xirka arimaha biniaadannimada ee OCHA. Shirkaan waxaa looga hadlay u diyaar garowga shirka madasha iskuduwidda arimaha biniaadannimada (Country Humanitarian Forum) ee ka dhici doona Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Mudane Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa ka shaqeeya horumarinta in loo diyaar garoobo abaarta La-nina iyo in ay dhinacayadan iyo SoDMA si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa sameenta ay ku yeelan karto abartaan dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada nugul.

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo boggaadiyay ansixinta guddiga Doorashooyinka Qaranka

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In