Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya ah, balse ay tahay mas’uuliyad Qaran.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha khuseeya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamullada Degmooyinka, ay laf-dhabar u yihiin guusha dadaalladan.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda ayaa hoosta ka xariiqay in doorka SoDMA uu yahay dejinta jihada saxda ah iyo hubinta isku-xirnaanta saaxiibada caalamiga ah, si loo abuuro deegaan saamaxaya in gargaarka iyo adeegyada lagama maarmaanka ah si hufan oo baaxad leh loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee tabaalaysan.










