Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Qaar ka mid ah Safiirrada Soomaaliya ee Caalamka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Qaar ka mid ah Safiirrada Soomaaliya ee Caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku soo dhaweeyay safiirrada Soomaaliya u joogo qaar kamid ah dalalka Caalamka, si gaar ah dalalka Turkiga, Fatxudiin Cali Maxamed, Libiya Cabdi Aadan Cabdi, Ciraaq Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Jarmalka Cabdicasiis Maxamuud Maxamed Fara-badane.

Guddoomiye Maxamuud, ayaa danjirayaasha uga warbixiyey xaaladda bini’aadannimo ee dalka, waxyaabaha u qabsoomay hay’adda, in dhibaatooyinkii ka dhashay isbeddelka cimilada ay sababeen barakac iyo qasaaro naafeed, Isagoo sidoo kale ka codsaday in ay xogahaan la wadagaan waddamada ay Safiirrada ka yihiin iyo in dowladahaas hay’adda ka cawiyaan xasillinta, soo kabashada iyo dib u dajinta shacabkii ka soo barakacay degaannadooda.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Dhinaca kale Safiirradaan, ayaa hay’adda SoDMA ku ammaanay shaqada adag ee dalka iyo dadka u hayso, waxqabadka muuqda ee hirgalay muddada kooban iyo in ay farrimahaan gaarsiin donaan Dowladaha dalalka ay Safiirrada ka yihiin iyo hay’addaha ka howlgala.




Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirada Soomaaliya ee Libiya, Ciraaq Iyo Turkiga

Next Post

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo kulan la qaadatay Safiirka Midowga Yurub 

Next Post
Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo kulan la qaadatay Safiirka Midowga Yurub 

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo kulan la qaadatay Safiirka Midowga Yurub 

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In