Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar Xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Ahmed Aadan Xamiid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood, gaar ahaan ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dabiiciga ah, horumarinta howlaha gargaarka bani’aadantinimo iyo taageerada dhanka tababarka iyo xirfadaha shaqaalaha SoDMA si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

Madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay SoDMA dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiso wax ka qabashada xaaladaha bani’aadantinimo, isagoo caddeeyey in Bisha Cas ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dhinacyada horumarinta iyo adeegyada degdegga ah ee loo baahan yahay si loo caawiyo dadka nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku dheeraaday muhiimadda wada-shaqeynta joogtada ah, isagoo xusay in iskaashiga labada hay’adood uu horseedi doono xal waara oo wax ku ool ah oo lagu yareynayo nuglaanta bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo xaqiijiyo badbaadada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In