Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar Xafiiskeeda Soomaaliya, Mudane Ahmed Aadan Xamiid.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood, gaar ahaan ka hortagga iyo wax ka qabashada masiibooyinka dabiiciga ah, horumarinta howlaha gargaarka bani’aadantinimo iyo taageerada dhanka tababarka iyo xirfadaha shaqaalaha SoDMA si ay uga jawaabaan xaaladaha degdegga ah.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Madaxa Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa ku ammaanay SoDMA dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiso wax ka qabashada xaaladaha bani’aadantinimo, isagoo caddeeyey in Bisha Cas ay sii wadi doonto taageerada iyo garab istaagga dhinacyada horumarinta iyo adeegyada degdegga ah ee loo baahan yahay si loo caawiyo dadka nugul.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku dheeraaday muhiimadda wada-shaqeynta joogtada ah, isagoo xusay in iskaashiga labada hay’adood uu horseedi doono xal waara oo wax ku ool ah oo lagu yareynayo nuglaanta bulshada Soomaaliyeed.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah si loo xaqiijiyo badbaadada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In