Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan Lataliya-sare iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta Khataraha Musiibooyinka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka soctay Hay’adda caalamiga ah ee Concern Worldwide xafiiskeeda Soomaaliya.
Kulankaan ayaa wuxuu ku saabsanaa isbarasho labada dhinac ah iyo iyadoo la isla fahmay in la adkeeyo xiriirkii iyo iskaashigii hore uga dhaxayn jiray Hay’adda SoDMA iyo Hay’adda Concern Worldwide, waxaa sidoo kale labada dhinac isla fahmeen sida ay lagama-maarmaanka u tahay in meel looga soo wada jeesto sidii bulshada tabaaleeysan looga samata bixin lahaa dhibaatooyinka noloshooda ragaadiyay.
Waxyaabaha kale ee shirka looga wada hadlay waxaa kamid ahaa sidii loo xaqiijin lahaa joogteeynta xiriirka labada dhinac iyo in la iska kaashado dhinacyada ay ka midka yihiin bixinta digniinaha hore si ay u suurta gasho in goor hore jawaab laga bixiyo musiibada dhacda.