Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsan dowlad-Goboleedka Hirshabelle oo uu ka mid yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gar-gaarka ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Cabdifataax Maxamed Yuusuf iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug)

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarineed ee SoDMA ka hirgelinayso Hirshabeelle, gaar ahaan mashruuca Drought Response Project Fund – ARC Payout, oo ay taageerto African Risk Capacity LTD (ARC LTD), halkafulintiisana ay hormuud ka tahay SoDMA.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sida mashruucan loogu talagalay in uu wax weyn ka beddelo nolosha dadka nugul ee ku nool deegaannada Hirshabeelle, iyadoo la xoojinayo qorshaha Qaranka ee ka jawaabista xaaladaha abaaraha.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin, ayaa tilmaamay in iskaashiga joogtada ah ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe uu muhiim u yahay guusha howlaha hay’adda. Wuxuu carabka ku adkeeyay in SoDMA ay ka go’an tahay taageeridda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha nugul ee ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gar-gaarka ee Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta kale ee heer degmo ayaa uga mahadceliyay SoDMA doorka ay ku leedahay hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo wax weyn ka tari kara bulshada deegaanka.

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad lagu adkeynayo iskaashiga labada dhinac, si loo dardar-geliyo mashaariicda socda loona xaqiijiyo horumar iyo badbaado waara oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideyso.

Previous Post

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In