Saturday, March 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsan dowlad-Goboleedka Hirshabelle oo uu ka mid yahay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gar-gaarka ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle Cabdifataax Maxamed Yuusuf iyo Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug)

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarineed ee SoDMA ka hirgelinayso Hirshabeelle, gaar ahaan mashruuca Drought Response Project Fund – ARC Payout, oo ay taageerto African Risk Capacity LTD (ARC LTD), halkafulintiisana ay hormuud ka tahay SoDMA.

Related posts

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026

Intii uu shirku socday, waxaa lagu soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sida mashruucan loogu talagalay in uu wax weyn ka beddelo nolosha dadka nugul ee ku nool deegaannada Hirshabeelle, iyadoo la xoojinayo qorshaha Qaranka ee ka jawaabista xaaladaha abaaraha.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin, ayaa tilmaamay in iskaashiga joogtada ah ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe uu muhiim u yahay guusha howlaha hay’adda. Wuxuu carabka ku adkeeyay in SoDMA ay ka go’an tahay taageeridda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha nugul ee ay saameeyaan masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhankooda, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gar-gaarka ee Hirshabeelle iyo mas’uuliyiinta kale ee heer degmo ayaa uga mahadceliyay SoDMA doorka ay ku leedahay hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo wax weyn ka tari kara bulshada deegaanka.

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad lagu adkeynayo iskaashiga labada dhinac, si loo dardar-geliyo mashaariicda socda loona xaqiijiyo horumar iyo badbaado waara oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideyso.

Previous Post

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra'iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026 Read here..... 1- President Hassan Sheikh Mohamud...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

March 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul Ftriga kula tukadey degaanka Gendershe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo...

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In