Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday xarunta gargaarka Sacuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday xarunta gargaarka Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay wafti ka socda Xarunta Arrimaha Gargaarka iyo Bani’aadannimada ee Boqor Salmaan oo uu hoggaaminayay ku-xigeenka madaxa KSRelief, Dr. Cabdullaahi Macallin oo uu wehliyo Madaxa Xarunta ee xafiiska Afrika Dr. Yasid Cabdalla Xaamud.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii Xarunta King Salman taageero wax-ku-ool ah uga geysan lahayd ka hortagga iyo yareynta khataraha ka dhalan kara abaaraha la saadaalinayo, sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha adkeysiga iyo la qabsiga is-beddelka cimilada, dhisidda tayada iyo kartida hay’adda SoDMA iyo xoojinta hindisaha digniinaha ee dadka lagu ogaysiiyo khataraha.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Intii uu socday kulanka waxaa la isku raacay in Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ay korjoogteyn rasmi ah ku yeelato howlaha iyo mashaariicda ay dalka ka fulineyso Xarunta KSRelief iyo in SoDMA laga taageero, loona diyaariyo sidii ay mustaqbalka dhow ula wareegi lahayd hirgalinta mashaariicda Boqortooyada Sacuudigu ugu deeqdo Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin wada shaqeynta dhow ee ka dhaxaysa labada dhinac, halka ay wadajir u bogaadiyeen xiriirka taariikhiga ah iyo midka walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

 

Previous Post

Safiirka Soomaaliya u magacaawday Malaysia oo Boqorka dalkaa uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo Wasiirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo Wasiirro

Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka 2-aad iyo Wasiirro

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In