Friday, July 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya u magacaawday Malaysia oo Boqorka dalkaa uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya u magacaawday Malaysia oo Boqorka dalkaa uu ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee dhawaan loo magacaabay dalka Malaysia, Danjire Cali Maxamed Abukar oo maanta si rasmi ah uga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirinimo boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday dhismaha boqorka ee Istana Negara ayaa sheegay bogga cusub ee xiriirka diblomaasiyadeed oo u furmay labada dal inuu u beddelayo iskaashi wax wadaag ah.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026

Danjire Cali Maxamed Abukar, ayaa sidoo kale sheegay in uu ku dadaali doono sare u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia.

“Waxaan diiradda saari doonaa in xiriirka labada dal aan ka sii horumariyo halka uu maanta marayo,” ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in uu dhiso iskaashi xooggan oo guulo waaweyn laga gaaro.

Safiirka cusub ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya iyo Malaysia ay yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo badan taabanaya, si loo xoojiyo arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreeyaan waxbarashada, horumarinta xirfadaha, ganacsiga, dhaqanka iyo is dhexgalka bulshada.

Malaysia oo ah dal ku yaalla koonfur bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, dalkaanna wuxuu ka mid yahay waddamada ay muwaadiniinta Soomaalida u tagaan arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka, taa oo u fududeynaysa in muwaadiniinta Soomaalida ay ku tagi karaan Malaysia iyagoo aan u baahan wax dal ku gal ah, waxaana lagu siiyaa garoommada diyaaradaha ee Malaysia.

Previous Post

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan muhiim ah ku yeeshay Jibuuti

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday xarunta gargaarka Sacuudiga

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday xarunta gargaarka Sacuudiga

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wafdi ka socday xarunta gargaarka Sacuudiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

Wasiir Fiqi oo ciidanka xoogga faray in ay diyaargaroobaan

July 10, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ciidanka xoogga dalka iyo ciidanka deegaanka ee ku jira dugsiga tababarrada Qoriloow...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay suxufiyiinta warbaahinta gaarka loo leeyahay

July 9, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Beerta Nabadda kulan kula yeeshay suxufiyiinta warbaahinta...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

July 9, 2026
0

Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta xaruntiisa ku qabtay shirka Talisyada Qaybaha Ciidanka Dhulka, kaas oo uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In