Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 28/10/2018 tababar u furay Garsoorayaal ,sidoo kale waxaa uu Tababar u soo xiray dhalinyaro ka soo baxay kulliyada sharciga oo Tababar layli garsooranimo ku soo qaatay Maxkamadaha darajooyinkooda kala duwan yihiin.
Xaflada ayaa Waxaa Goobjoog ahaa Guddomiyeyaasha Maxkamaddaha Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Banaadir.
Garsoorayaasha loo furay tababarka ayaa tiradoodu waxay gaareysa labo iyo toban Garsoore sidoo kale dhalinyarada loo soo xiray layli Garsooranimo ayaa gaarayay siddeed Dhalinyaro
Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Maxkamadda sare dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ay garab taagan yihiin Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Iyo Gobolka Banaadir ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay dhalinyarada oo uu u xiray Tababar.