Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

20170110_095800Talaado-January 10-01-2017—  Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim Iidle Suleymaan oo  ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka  Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka  Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa  maanta booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo KM7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Xabsigan ayaa ka kooban dhismo weyn oo leh qolol Maxaabiista lagu xiro, Goobo waxbarasho oo dadka Xabsiga lagu soo xiro lagu barayo Aqoon diini, maadi iyo Farsamada gacanta ,Guryo ay ku shaqeeyaan Garsoorka, meelo loogu talo galay in Maxaabiista ay ku qaataan nasiino iyo Madadaalo oo leh Goroomo kubadda noocyadeeda kala duwan lagu cayaaro  iyo baraago Dabaasha loogu talo galay, waxaana Xabsigan dhismihiisa qarashka ku baxaya bixinaya  Beesha Caalamka.

Mas’uuliyiinta uu hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleyman  ayaa mid mid usoo maray qeybaha xabsiga uu ka kooban yahay, iyagoo xog wareystay Injineerada fulinaya Dhismaha Xabsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo kormeerka dib Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Mashruuca dhismaha Xabsigan lasoo gabagabeyn doonno Bartamaha Sanadkan bilowga ah 2017,isagoo tilmaamay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Qorshaha Horumarineed ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu wado.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in Xabsigan Dhismhiisa gabagabada uu marayo uu   yahay Magaalo dhan oo dhaqan celin ah, isagoo meesha ka saaray in Xabsiga uu noqon doonno Goob maxaabiista lagu ciqaabo.

Bartmaha Sanadkan 2017 ayaa lasoo gabagabeynayaa Wajiga koowaad ee Dhismaha Xabsigan,iyadoo markaasi kadib la guda gali doonno wajiga labaad ee Mashruucan, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaana sheegay in qorshaha uu yahay in dhammaan Xabsiyadda Dalka dib loo howlgalin doonno.

?

?

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

20170110_095800 20170110_095900 20170110_100521 20170110_101026 20170110_101217 20170110_101306 20170110_101610 20170110_101654 20170110_112957

—-Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:- [email protected]

Muqdisho-Soomaaliya.

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado

Next Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo xaalad deg deg ah ku soo rogay deegaannada Galmudug

Next Post
Madaxweynaha Galmudug: Dagaalka B/weyne waxaan ku joojinaynaa wax kastaa oo aan awoodno”Dhagayso”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo xaalad deg deg ah ku soo rogay deegaannada Galmudug

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In