Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

20170110_095800Talaado-January 10-01-2017—  Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibrahim Iidle Suleymaan oo  ay wehliyaan Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka  Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka  Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa  maanta booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo KM7 Ex Xaruntii hore ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xabsigan ayaa ka kooban dhismo weyn oo leh qolol Maxaabiista lagu xiro, Goobo waxbarasho oo dadka Xabsiga lagu soo xiro lagu barayo Aqoon diini, maadi iyo Farsamada gacanta ,Guryo ay ku shaqeeyaan Garsoorka, meelo loogu talo galay in Maxaabiista ay ku qaataan nasiino iyo Madadaalo oo leh Goroomo kubadda noocyadeeda kala duwan lagu cayaaro  iyo baraago Dabaasha loogu talo galay, waxaana Xabsigan dhismihiisa qarashka ku baxaya bixinaya  Beesha Caalamka.

Mas’uuliyiinta uu hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleyman  ayaa mid mid usoo maray qeybaha xabsiga uu ka kooban yahay, iyagoo xog wareystay Injineerada fulinaya Dhismaha Xabsiga.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, oo kormeerka dib Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Mashruuca dhismaha Xabsigan lasoo gabagabeyn doonno Bartamaha Sanadkan bilowga ah 2017,isagoo tilmaamay in Mashruucan uu qeyb ka yahay Qorshaha Horumarineed ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu wado.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in Xabsigan Dhismhiisa gabagabada uu marayo uu   yahay Magaalo dhan oo dhaqan celin ah, isagoo meesha ka saaray in Xabsiga uu noqon doonno Goob maxaabiista lagu ciqaabo.

Bartmaha Sanadkan 2017 ayaa lasoo gabagabeynayaa Wajiga koowaad ee Dhismaha Xabsigan,iyadoo markaasi kadib la guda gali doonno wajiga labaad ee Mashruucan, Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaana sheegay in qorshaha uu yahay in dhammaan Xabsiyadda Dalka dib loo howlgalin doonno.

?

?

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

20170110_095800 20170110_095900 20170110_100521 20170110_101026 20170110_101217 20170110_101306 20170110_101610 20170110_101654 20170110_112957

—-Dhammaad—

Xafiiska Warfaafinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Email:- [email protected]

Muqdisho-Soomaaliya.

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado

Next Post

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo xaalad deg deg ah ku soo rogay deegaannada Galmudug

Next Post
Madaxweynaha Galmudug: Dagaalka B/weyne waxaan ku joojinaynaa wax kastaa oo aan awoodno”Dhagayso”

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo xaalad deg deg ah ku soo rogay deegaannada Galmudug

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In