Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 10, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo sharci darro ah ku tilmaamay shirkii ka dhacay Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

guuleed

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guleed oo si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho isaga iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, kaasi oo ay kaga hadlayeen kulan qaar ka mid ah Xildhibaannada Galmudug ay Cadaado ku yeesheen.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay sharci darro tahay in baarlamaanka oo fasax ku jira ay shaqsiyaad kulan gaar ah sameystaan, taasi oo uu ku tilmaamay inay dhaawaceyso dowladnimada curdunka ah ee ka hana qaaday Deegaannada Galmudug.

“Baarlamaanka waa hay’ad ka mid ah hay’adaha dowlad goboleedka Galmudug, Baarlamaanka waxa uu leeyahay kalfadhi uu ku shaqeeyo, sida aan ognahay kalfadhiga wuu xiranyahay, 5tii bishaan ayuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug soo saaray, muddo kordhin oo 45 cisho ah oo waqtiga loogu kordhinayo Xildhibaannada, mana jirin xarunta baarlamaanka oo furan, mana jirin guddoomiyaha shir uu ka warqabahay, sidaas darteed waxaan u arkaa waxa Cadaado ka dhacay inay tahay mid sharci darro ah, oo laga soo abaabulay meelo kale” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug, oo sheegay in sharciga uusan ka weyneyn, balse waxkasta ay ku haboontahay in sharciga loo maro.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in waxyaabaha ay sameeyeen qaarka mid ah Xildhibaannada ay tahay mid foolxun oo ah in lagu qoslo, isla markaana ah mid aan sharci ahayn, ayna aqoonsaneyn maamulka Galmudug falkii maanta ka dhacay magaalada Cacdaado.

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in afar cisho ka hor uu Warbaahinta la wadaagay in fasaxii baarlamaanka Galmudug ay ku ekeyd 5-tii bishan , isla markaana uu saxaafadda u sheegay in shirka uusan furmi karin, maadaama dalka uu ku jiro marxalad doorasho, ayna lagama maarmaan noqotay in waqti kordhin loo sameeyo baarlamaanka oo ah muddo 45 cisho ah.

 

 

 

 

Previous Post

Warbxin laga soo saaray Sanadkii 2016-kii afduubka maraakiibta caalamiga ah

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka oo booqday Xabsi cusub oo laga dhisayo Muqdisho "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In