Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Dr. Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeeray qeybaha kala duwan ee Hayโadaha Garsoorka Dowlad Goboleedka Puntland oo maalmihii u dambeeyay uu ku sugnaa.
Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka uu ku sameeyay hayโadaha Garsoorka Puntland ayaa ahaa u kuurgalka xaaladda Garsoorka,waxayna sidoo kale inta ay ku guda jireen howsha kormeerka kulamo kala duwan la yeesheen madaxda kala duwan ee Garsoorka Puntland.
โ Maanta aniga iyo wafdigeygu waxaanu kormeernay qaybaha kala duwan ee Garsoorka Dawlad goboleedka Puntland oo aanu maalmihii u dambeeyey ku sugnayn, si aanu ugu kuurgalno xaaladda Garsoorka. Sidoo kale, waxaanu kulamo is-xog-wareysi ah la yeelanay madaxda kala duwan ee Garsoorka Puntland,โ ayuu yiri Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed.




























