Thursday, March 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo soo xiray shirka Madasha Cilmi-baarista Garsoorayaasha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka oo soo xiray shirka Madasha Cilmi-baarista Garsoorayaasha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan Madasha  Garsooreyaasha oo labo cesho uga socday magaalada Muqdisho ayaa looga doodayay sidii lagu horumarin lahaa adeegga fullinta dacwadaha  iyo Garsoorka Maxkamadaha Gobalka Banaadir.

Madashan oo ay ka qeyb galeen garsooreyaasha maxkamadaha ku yaala Degmooyinka Gobalka Banaadir, howlwadeennada iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Racfaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda  Gobalka Banaadir iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa labadii maalmood ay socotay waxay garsoorayaasha isku weydaarsadeen warbixinno iyo su’aalo la xiriira dembiyada dacwad fullinta, iyagoo falanqeeyay Garsoorka iyo cadaalad sameynta

Related posts

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026

Munaasabadda xiritaanka oo ay hadallo ka jeediyeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Tan Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ayaa ugu horeyn waxaa hadalka qaatay

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Cabdiqaadar Maxamed Xasan ayaa ku baaqay in Madasha Garsoorka lagu soo daro Maxkamadaha Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Maxamed Axmed Cismaan Baari ayaa tilmaamay in madashu ay ahayd mid si weyn laga wada faa’iideystay, ayna noqon doonto mid la joogteynayo kulamada nuucaani oo kale ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Baashe Yuusuf Axmed oo soo xiray shirka ayaa sheegay in tallooyinka laga soo jeediyay kulanka Madasha Garsoorayaasha la dhaqangelin doono.

“Waxaa si nabad ah maanta u soo dhamaaday Madasha Cilmi-baarista Garsooreyasha, madashaasi oo noqon doonta madal Saddex bile ah oo lagu lafa guri doono Xeerarka dalka, Caqabadaha iyo Horumarka Garsoorka, waxaana lagu soo bandhigay wax badan oo wax ka badali doona shaqada Garsoorka Dalka, waana qaadan doonaa dhamaan tallooyinkaas”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay shir ku saabsan horumarinta fursadaha Ganacsi ee ka jirta dalka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay ammaanka “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay ammaanka “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo looga hadlay ammaanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Wanlaweyn oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 4, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

Akhriso Isku Aadka Wareegga 2-aad ee Tartanka

March 4, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  labaad ee tartanka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

DAAWO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka kadib meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal...

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

Siyaasi Axmed Saafi oo soo dhaweeyay meel marinta Dastuurka Qaranka

March 4, 2026
0

Siyaaasi Axmed Saafi oo ka mid ah siyaasiyiinta ayaa soo dhaweeyay meel mrinta Dastuurka Qaranka ee ay Mudanyaasha labada Aqal...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In