Guddoomiyaha Maxakamadda Sare JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta ka qeyb-galay kulan looga hadlayay xal u helida mushkiladaha dunida sida argagixisada, barakaca, dagaalada iyo arrimaha hubka nucliyeerka ah.
Kulankaan ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka waxaa ku wehlinayo Garsooreyaal Maxkamadda ka tirsan iyo Mas’uuliyiin kale.
Inta uu socdo kulankaan ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa siddii xal waara loogu heli lahaa mushkiladaha dunida ka taagan oo ay ugu weyn yihiin argagixisada, barakaca, dagaalada iyo arrimaha hubka nucliyeerka ah.
Sidoo kale Kulankaani ayaa wuxuu qeyb muhiim ah ka yahay shirka 19 aad ee Caalamiga ah ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka oo ka socda magaalada Luckow ee dalka India.