Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in dib loo shirkii wada tashiga

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cumar Aadan Qaadi  oo ah la taliyaha guddoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la hadlay warbaahinta qaranka ayaa waxaa uu sheegay in wada hadalkii ku dhaxeeyay labada dhinac oo ku maandhaafsanaa mooshinka laga keenay madaxweynaha dalka dib loo dhigay isla markaana shirkaasi oo furmi doono 10 bishan aynu ku jirno.

La taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in sababta dib u loogu dhigay ayaa ku micineeyay in Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo hadda safar shaqo uu dalka dibadiisa ugu maqan yahay sidaa darteedna uu shirkaasi ka qeybgalkiisa aad ugu muhiimssan yahay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Ra’iisulwasaaruhu waxaa uu codsaday in lala sugo, maadaama lagu balansanaa wadahadalka in ay joogaan madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka xubnaha Baarlamaanka” ayuu yiri Qaadi.

Cumar Aadan Qaadi ayaa sidoo kale xusay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu xeer ilaalinta qaranka uu kala hadlay sideynta wariyeyaasha ka tirsan TVga Universal, isla markaana xeer ilaaliyuhu arintaasi ogolaaday.

La taliyaha oo war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Baarlamaanka u akhriyay saxaafada ayaa waxaa kamid ahaa in xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka uu arinta kala xiriirey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka isla markaana uu ka ogolaaday in la siideynt doono, iyadoo xubnaha Baarlamaanka ee arintan ku lug lahaa loo gudbiyay xeer hoosaadka iyo anshaxa iyo gudi hoosaadka ilaalinta sumcadda iyo hufnaanta howlaha Baarlamaanka.

War saxaafadeed ayaa sidoo kale guddoomiye Jawaari waxaa uu ka codsaday dhammaan bahda saxaafadda gaar ahaan maamulka sare ee Tvga Universal in ay ilaaliyaan nidaamka dalka iyo deganaanshihiisa isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo dalka ku keeni kara dhibaato.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sidoo kale war saxaafadeedka ku sheegay in xildhibaanada golaha shacabka looga ilaaliyaan nidaamka dalka isla markaana aysan dadka kale wax uga duwaneyn aan ka aheyn xasaanadda uu dastuurka qaranku siiyay taas sida uu qodobka  70 aad ee dastuurka qaranka uu xadeeyay.

Ugu dambeynti guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa tilmaamay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay ilaalinta dowladnimada Soomaaliya sidaa darteedna loo baahanyahay in xaqiijinta arintaasi loo wada istaago.

 

Previous Post

Dowladda Rushka oo ka dalbatay Mareykanka iney is dhaafsadaan xogta duqeynta kooxda ISIS

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In