Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabellada hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeer howleed ku tagaya dagmada Baraawe oo ah xarunta maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.
Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii guddoomiyaha Shabeellada hoose iyo wafdiga la socda waxay inata ay halkaasi joogaan kulammo la qaadan doonaan maamulka dagmada Baraawe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana si aad ah loo adkeeyay amniga dagmada.
Maamulka dagmada Baraawe oo uu ugu horeeyo Duqa Dagmada Cumar Sheekh Cabdi Shafaani ayaa waxaa ay wadaan qaban qaabada soo dhawaynta Wafdiga uu Hogaaminyo Guddomiyaha gobalka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii
16kii bishan November ayay ahayd markii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Max’ed Lafta-gareen xilka guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo horey xilkaan u soo qabtay.