Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo ka wada hadlay xaaladaha beni’aadannimo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo ka wada hadlay xaaladaha beni’aadannimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha adag ee bani’aadamnimo ee ka jira qaar ka mid ah deegaannada Galmudug, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Itoobiya. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in dad badan ay wajahayaan dhibaatooyin nololeed oo u baahan gargaar degdeg ah, isagoo codsaday in si dhakhso leh loo gaarsiiyo taageero bani’aadaninimo.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Intii lagu guda jiray kulanka, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka, isaga oo xusay fursadaha dhinaca xoolaha ee Galmudug ka jira. Wuxuu soo jeediyay in laga shaqeeyo dhismaha warshad casri ah oo lagu qalo, laguna keydiyo hilibka xoolaha, taas oo, sida uu sheegay, wax weyn ka tari doonta kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha shaqo ee bulshada.

Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ballan qaaday in SoDMA ay si degdeg ah u gaarsiin doonto gargaar dadka ay saameeyeen xaaladaha adag, isagoona muujiyay in hay’adda SoDMA ay diyaar u tahay la shaqeynta maamulka Galmudug, si loo hirgeliyo warshadda xoolaha, wuxuuna sheegay in dadaalladaas lagu taageeri doono iskaashi caalami ah iyo dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Si-kastaba, kulanka ayaa qayb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, si loo horumariyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadantinimo iyo in adeegyada degdegga ah si siman loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed ee nugul.

Previous Post

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Next Post

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Next Post
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In