Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah, si looga caawiyo daboolidda baahiyahooda nololeed ee aasaasiga ah.
Mashruucan waxaa taageeraya Hayโadda IHH ee dalka Turkiga, oo muddo dheer ka shaqaynaysay arrimaha baniโaadannimada iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hayโadda SoDMA ayaa sidoo kale kormeeray xarumaha IHH iyo barnaamijyada lagu daryeelo Agoonta iyo carruurta nugul, isagoo bogaadiyay dadaallada hayโaddu ku bixiso garab istaagga dadka danyarta ah iyo kuwa nugul.
Ugu danbeyn, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Hayโadda IHH, dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta dowladda iyo hayโadaha samafalka si taageero loo gaarsiiyo dadka u baahan.












