Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 weeks ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026 iyo awoodda nidaamka qaranka ee ka jawaabista khataraha fatahaadaha degdegga ah iyo fatahaadaha Webiyada Juba iyo Shabeelle.

Shirka waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA, oo kaashanaysa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), waxaana ka qaybgalaya wakiillo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Waxaana diiradda lagu saarayaa tijaabinta habka loo soo saaro, loo gudbiyo loona adeegsado digniinta hore, qiimeynta xogta khataraha, isku-duwidda hay’adaha iyo qaadista tallaabooyinka hore, si xogta saadaasha loogu beddelo go’aanno wax-ku-ool ah oo lagu yareynayo saameynta fatahaadaha iyo ilaalinta bulshada nugul.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay nidaamyada digniinta hore, balse muhiimaddu ay tahay in digniinta la helo loo beddelo go’aan iyo tallaabo hore oo degdeg ah.

Ugu Danbeyn, Guddoomiyahu Waxuu tilmaamay in shirkan lagu tijaabinayo isku-duwidda hay’adaha, wadaagista xogta iyo dhaqaajinta taageerada Gurmadka, iyadoo la aqoonsanayo caqabadaha iyo meelaha u baahan in la saxo, si loo yareeyo saameynta fatahaadaha loona ilaaliyo nolosha iyo nolol-maalmeedka bulshada.

 

 

Previous Post

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Next Post

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Next Post
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In