Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Himeji ee dalka Japan kaga qeybgalay Shirka Madasha caalamiga ah ee fahamka khatarta Musiibada “Understanding Risk Global Forum “.
Guddoomiyaha, ayaa madashaan ka jeediyay khudbad uu kaga hadlaayo sooyaalka hay’adda SoDMA, guulaha ay gaartay labadii sanno ee la soo dhaafay, howlaha hortabinta u leh hay’adda iyo caqabadaha horyaala.
Sidoo kale Guddoomiyaha, ayaa ka qeybgalay shirar dooceedyo iyo doodo looga hadlaayey arrimaha la xiriira maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga aheyn hay’adda SoDMA,ayaa ah Hay’ad u xilsaaran,latacaalida iyo maareynta masiibooyinka.
Shirkaan waxaa soo Agaasimay Bangiga Adduunka , waxaana martigalisay Dowladda Japan.