Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 month ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul ee halista ugu jira fatahaadaha, xilli uu safar shaqo ku joogo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Kormeerka ayaa lagu qiimeeyay heerka biyaha webiga iyo xaaladda goobaha ay fatahaaduhu saameyn karaan, iyadoo diiradda la saaray xoojinta diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha ka dhalan kara fatahaadaha.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa masuuliyiinta iyo bulshada Beledweyne ku adkeeyay inay qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo laguna xirayo meelaha uu wabigu ka jilicsan yahay, si looga hortago fatahaadaha iyo khasaaraha ka dhalan kara.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli la saadaalinayo saameynta Super El Niño, oo si weyn u saameyn karta deegaannada ku teedsan webiyada.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Next Post

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Next Post
Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In