Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.
Guddoomiyaha iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay doorka dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aaddan arrimaha la tacaalida fatahaada ka jirta guud ahaan dalka iyo sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa buundooyinka ka burburay Magaalooyinka qaar ay fatahaadaha ka dhaceen.
Safiir Axmed Jumca Al-rumeysi, ayaa u ballan qaaday hay’adda SoDMA in ay sii labo jibaari doonaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo in ay ka qeyb qaadan doonaan dib u habaynta bundooyinka ku burburay fatahaada ka dhacay dalka.