Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Balcad, halkaas oo uu ka daah furay mashruuc cunto qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah. Kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan 5,705 qoys una dhiganta (34,230 ruux) oo ku nool degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Socdaalka Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabeelle ahna ku-simaha Wasiirka, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo mas’uuliyiin kale oo heer goboleed ah.

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Ugu horeyn Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Furdug, oo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada, ayaa shacabka ugu baaqay inay si hufan uga faa’iideystaan mashaariicda lagu taageerayo bulshada, si loo yareeyo saamaynta xaaladda beni’aadantinimi ee ka jirta degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaadda.

Waxaa halkaasi hadalo kooban ka jeediyay Ugaas Maxamed wali Xuseen Salaad Islow oo ah Ugaaska Guud ee Dagmada Balacd ayaa sheegay inuu ku faraxsanhy imanshiyaha Guddoomiyaha SoDMA ee Magaalada Balcad, wuxuuna shegay in guddoomiyha uu markasta ka sheeqeeyo caawinta iyo samata bxinta dadka ay sameeyeen duruufaha kala sida abaaraha  iyo fatahaadaha .

Dhankiisa Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gar-gaarka Hirshabeelle, wuxuu ku amaanay dadaalka SoDMA ee ka hortagga baahiyaha bani’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah, isagoo soo dhoweeyay mashruuca cunto qeybin ee laga fulinayo labada degmo.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo furitaanka mashaariic taageero ah oo loogu talagalay bulshada danyarta ah ee degan Balcad, isla markaana ku dhiirrigeliyay dadka deegaanka inay ka faa’iideystaan fursadahaas muhiimka ah oo wax weyn ka tari doona baahiyaha bulshada.

Ugu dambeyn, dadaalka SoDMA iyo bahwadaagta kale ee samafalka ayaa astaan u ah sida ay muhiim u tahay in bulshada Soomaaliyeed loo abuuro fursado nololeed oo waara iyo taageero degdeg ah xilliyada adag.

 

 

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In