Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hayโadda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Balcad, halkaas oo uu ka daah furay mashruuc cunto qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah. Kaas oo ay ka faaโiideysan doonaan 5,705 qoys una dhiganta (34,230 ruux) oo ku nool degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.
Socdaalka Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabeelle ahna ku-simaha Wasiirka, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo masโuuliyiin kale oo heer goboleed ah.
Ugu horeyn Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Furdug, oo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada, ayaa shacabka ugu baaqay inay si hufan uga faaโiideystaan mashaariicda lagu taageerayo bulshada, si loo yareeyo saamaynta xaaladda beniโaadantinimi ee ka jirta degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaadda.
Waxaa halkaasi hadalo kooban ka jeediyay Ugaas Maxamed wali Xuseen Salaad Islow oo ah Ugaaska Guud ee Dagmada Balacd ayaa sheegay inuu ku faraxsanhy imanshiyaha Guddoomiyaha SoDMA ee Magaalada Balcad, wuxuuna shegay in guddoomiyha uu markasta ka sheeqeeyo caawinta iyo samata bxinta dadka ay sameeyeen duruufaha kala sida abaaraha ย iyo fatahaadaha .
Dhankiisa Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gar-gaarka Hirshabeelle, wuxuu ku amaanay dadaalka SoDMA ee ka hortagga baahiyaha baniโaadantinimo ee ka dhashay abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah, isagoo soo dhoweeyay mashruuca cunto qeybin ee laga fulinayo labada degmo.
Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo furitaanka mashaariic taageero ah oo loogu talagalay bulshada danyarta ah ee degan Balcad, isla markaana ku dhiirrigeliyay dadka deegaanka inay ka faaโiideystaan fursadahaas muhiimka ah oo wax weyn ka tari doona baahiyaha bulshada.
Ugu dambeyn, dadaalka SoDMA iyo bahwadaagta kale ee samafalka ayaa astaan u ah sida ay muhiim u tahay in bulshada Soomaaliyeed loo abuuro fursado nololeed oo waara iyo taageero degdeg ahย xilliyadaย adag.












