Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah ku gaaray degmada Balcad, halkaas oo uu ka daah furay mashruuc cunto qeybin ah oo socon doona muddo saddex bilood ah. Kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan 5,705 qoys una dhiganta (34,230 ruux) oo ku nool degmooyinka Balcad iyo Jalalaqsi ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Socdaalka Guddoomiyaha waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gargaarka Hirshabeelle ahna ku-simaha Wasiirka, Yuusuf Axmed Yalaxow, iyo mas’uuliyiin kale oo heer goboleed ah.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026

Ugu horeyn Guddoomiyaha degmada Balcad, Qaasim Furdug, oo wafdiga kusoo dhaweeyay magaalada, ayaa shacabka ugu baaqay inay si hufan uga faa’iideystaan mashaariicda lagu taageerayo bulshada, si loo yareeyo saamaynta xaaladda beni’aadantinimi ee ka jirta degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaadda.

Waxaa halkaasi hadalo kooban ka jeediyay Ugaas Maxamed wali Xuseen Salaad Islow oo ah Ugaaska Guud ee Dagmada Balacd ayaa sheegay inuu ku faraxsanhy imanshiyaha Guddoomiyaha SoDMA ee Magaalada Balcad, wuxuuna shegay in guddoomiyha uu markasta ka sheeqeeyo caawinta iyo samata bxinta dadka ay sameeyeen duruufaha kala sida abaaraha  iyo fatahaadaha .

Dhankiisa Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gar-gaarka Hirshabeelle, wuxuu ku amaanay dadaalka SoDMA ee ka hortagga baahiyaha bani’aadantinimo ee ka dhashay abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah, isagoo soo dhoweeyay mashruuca cunto qeybin ee laga fulinayo labada degmo.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa sheegay in safarkiisu uu salka ku hayo furitaanka mashaariic taageero ah oo loogu talagalay bulshada danyarta ah ee degan Balcad, isla markaana ku dhiirrigeliyay dadka deegaanka inay ka faa’iideystaan fursadahaas muhiimka ah oo wax weyn ka tari doona baahiyaha bulshada.

Ugu dambeyn, dadaalka SoDMA iyo bahwadaagta kale ee samafalka ayaa astaan u ah sida ay muhiim u tahay in bulshada Soomaaliyeed loo abuuro fursado nololeed oo waara iyo taageero degdeg ah xilliyada adag.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Next Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Next Post
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray goobaha adeegyada dalxiisayaasha ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

July 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Garoonka diyaaradaha Caalamiga...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In