Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Suldaan Mustafa Awseed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Suldaan Mustafa Awseed, oo ka mid ah Salaadiinta dhaqanka ee ka soo jeeda gobolada waqooyi bari. Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaannada Maamul Goboleedka waqooyi Bari, iyo sidoo kale dhameystirka mashaariic horay looga dhagax dhigay magaalada Laascaanood.

Kulankan, Guddoomiye Maxamuud Macalin iyo Suldaan Mustafa Awseed waxay si gaar ah uga wada hadleen xaaladda abaarta ee ka jirta deegaanada Maamul Goboleedka waqooyiga Bari iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay abaaraha ka jira deeganadaas.

Related posts

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026

Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA ayaa la filayaa inuu safar shaqo ku tago magaalada Laascaanood si uu si dhow ugu kuurgalo horumarka mashaariic horay looga dhawaaqay Magaalada Laascanood kuwaasoo ay ka mid yihiin:

Xarunta Gurmadka Degdega ah: Mashruucan waxaa horay dhagax-dhigay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre. Ujeedada xaruntan ayaa ah inay u noqoto saldhig laga abaabulo howlaha gurmadka degdega ah ee ka dhasha musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha

Bakhaarka Kaydka Cunnada: Mashruucani waa mid loogu talagalay in lagu kaydiyo cunnada iyo agabyada kale ee gargaarka bani’aadamnimada, si loo hubiyo inay si fudud oo degdeg ah loo gaarsiiyo dadka baahiyaha qaba xilliyada adag.

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka deegaanada Maamul Goboleedka Waqooyi Beri si loo helo xog sax ah oo lagu gaaro shacabka, loona fuliyo mashaariic ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee jira.

Previous Post

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

Next Post

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Next Post
Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

Wasiirka  Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

September 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacadda Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In