Munaasabad tababbar loogu soo xiraye guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo taliyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka ayaa lagu qabtey dugsiga tababarka General kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeynka dhinaca siyaadda iyo amniga ee maamulka gobolka banaadir iyo guddoomiyaasha todobo iyo tobanka degmo ee gobolka banaadir ayaa ka qeybgalay,
Sidoo kale kooxda Bambeyda ciidanka booliska iyo kooxda fannaaninta Heegan ee ciidanka booliska soomaaliya ayaa intii ay socotey munaasabada halkaasi kusoo bandhigey sugaan ka turjumeyso wada shaqeynta ciidanka iyo shacabka
Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreen ka hadley guddoomiyaha degmada Xamar jab jab oo u hadlayay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka ayaa ballan qaaday in ay ka dhabeyn doonaan waxyaabihii ay ku barteen tababarka.
Guddoomiye ku xigeynka dhinaca amniga iyo siyaasadda gobalka banaadir Maxamad Axmad Diiriye yabooh ayaa shacabka waxa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka si loo xaqiijiyo amniga caasimaadda muqdisho.
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay amni si taa loo helana ay taliska Booliska ka fureen tababar ku saabsan ammaanka iyo sharuucda nabadgalyada kaas oo loo qabtay guddoomiyaasha gobalka iyo taliyaasha Saldhigyada ciidanka booliska ee gobolka banaadir.
Dhanka kale S/Gaas Maxamed Shiiq Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kulan dardaaran ah la qaatay 30 Saraakiil ah oo katirsan ciidanka booliska Soomaliya kuwaas oo dhawaan u anbabixi doono magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga halkaa soo ay kaga qeeb galidoonaa aqoon kororsi socon doono mudo sadax Bilood ah.