Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Ergeyga gaarka ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Ergeyga gaarka ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxwaynaha JFS u qaabilsan arrimaha Abaaraha mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrsme oo ay weheliyaan gudigga gurmadka Abaaraha, kulanka oo diirada lagu saaray sidii wax loogu qabanlahaa Abaaraha soo-noqnoqday.

Gudiga Abaaraha oo ay Guddoomiyaha ka codsadeen in lagu wareejiyo qaybtii Baarlamaanka BJFS abaaraha uga qoondeeyey lacagihii musharaxiinta Madaxwaynaha JFS laga qaaday si wax loogu qabto dadka tabaaleysan, kuwaas oo ku kala nool qeybo ka mid gobolada dalka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026

Sidoo kale guddiga ayaa Gudoomiyaha ka codsadey in Baarlamaanku ku daba galo sababta weli Xukuumadda u sheegi la’dahay qoondada ay ugu talo gashey lacagtii Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqdey abaaraha dalka kajira iyo weliba lacagtii Halka milyan (1 M) ahayd ee Xukuumadda sheegtey inay abaaraha ugu yaboohdey oo aan ilaa hadda jirin wax horumar ah oo laga sameeyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheekh Aadan Madoobe oo bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan Gudigga Abaaraha ayaa u ballan qaadey sii xoojinta garab istaagga dar-dar gelinta shaqada baaxada leh ee u taala Ergeyga iyo gudigga, sidoo kale Guddoomiyaha ayaa ballan qaadey in beri lagu wareejin doono lacagihii Baarlamaanka horey u ballanqaadey ee qaybta ka ahaa lacagihii ka soo xaroodey Murashaxiinta Madaxwaynaha JFS.

Previous Post

Wasiir Beyle oo qaabilay Wasiirka Maaliyadda Jubbaland

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Dhuusamareeb oo xilka la wareegay

Next Post
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Dhuusamareeb oo xilka la wareegay

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga Dhuusamareeb oo xilka la wareegay

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa maanta gudaha...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In