Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Abshirow oo Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Baarlamaanka Jabuuti “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Abshirow oo Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socday Baarlamaanka Jabuuti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan waxay ku soo dhoweeyeen wafdi ka socda Baarlamaanka wadanka walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Xubnaha Wafdiga waxaa hoggaaminaya Xildhibaan Saleemaan Daahir Bile oo ah Xoghayaha Xafiiska joogtada ah ee Baarlamaanka Jabuuti sidoo kalena ah xubin sare oo ka tirsan xisbul xaakimka Jabuuti, waxaana uu Xildhibaannada uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran oo walaaltinimada ku dhisan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026

Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa wafdiga ka socday Baarlamaanka walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti kusoo dhoweeyay Caasimadda dalka, iyadoo maalinta beri ah lagu wado inuu si rasmi ah u furmo kalfadhigga sedaxaad ee Baarlamaanka 11-aad, waxaana xubnahaan ay ka mid yihiin wafuud kala duwan oo ka qeyb galeysa xafladda furitaanka Baarlamaanka.





Previous Post

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay jiheynta sharciyada Golaha

Next Post

Lataliyihii horjoogaha guud ee Khawaarijta oo soo galay gacanta dowladda

Next Post
Lataliyihii horjoogaha guud ee Khawaarijta oo soo galay gacanta dowladda

Lataliyihii horjoogaha guud ee Khawaarijta oo soo galay gacanta dowladda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In