Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Muqdisho ku soo bandhigay Buug uu ugu magacdaray Heybso Dhaqankaaga

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Muqdisho ku soo bandhigay Buug uu ugu magacdaray Heybso Dhaqankaaga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marti sharaftii kasoo qeybgashay Munaasabadda oo isugu jiray Wasiirro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno, Qorayaal iyo Ardaydada Jaamacadaha wax ka barta waxay ku tilmaameen Daahfurka Buugga Hayso Dhaqankaaga Waqlalkii Ilmo-yar oo dhashay.

Buuggan oo xambaaarsan Cutubyo ay ka mid yihiin Afka iyo Dhaqanka dalkeena ayaa Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta wuxuu ku ammaanay qoraha Buugga Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi garashadiisa uu ku doortay in Bandhig loogu sameeyo Buuggan Xarunta Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Sugaanta COD MAAX

Related posts

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026

Aqoonyahanada kala ah Maxamed Cabdi Gaandi iyo Maxamed Daahir Afrax ayaa ka hadlay Nuxurka Buugga uu xambaarsan yahay waxeyna ugu baaqeen qeybaha buslahda in ay akhristaan Buugga si ay uga faa’ideystaan waxyaabaha uu xumbaarsanyahay oo dhinaca dhaqanka ah

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku dhawaaqay Daahfurka Buugga ayaa isaguna shacabka ugu baaqay in laga faa’ideysto macluumaadka uu xambaarsan yahay buugga Haybso Dhaqankaaga .

Xildhibaanada kala ah Maxamed Cumar Dalxa iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inuu buuggan kaalin ka geysanayo horumarinta Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed,loogana baahanyahay bulshadu in ay ka faa’idaystaan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah qoraha Buugga Haybso Dhaqankaaga ayaa gabagabadii ka hadlay sababaha uu ku doortay qoraalka buuggani,isagoona muujiyay in uu ahmiyad gaar ah uu u leeyhaya horumarinta Dhaqanka iyo Afka hooyo ee Soomaaliga ah.

Buugga Haybso Dhaqankaaga ayaa ah buggii ugu horreeyey uu ifka usoo saaro Guddoomiyaha Aqalka sare Md. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, wuxuuna soo bandhigidda Buuggani kusoo beegmayaa xilli dadaal weyn loogu jiro horumarinta Afka Soomaaliga iyo Akhriska iyo Qoraalka, iyadoo Dad isugu jira qorayaal iyo siyaasiyiin kale ay gunaanadkii munaasabadda ku wareejiyeen Akadeemiyada Cilnmiga, Fanka iyo Suugaanta, Buugaag kala duwan si kor loogu soo qado Waxqabadka Akadeemiyada.

Previous Post

Mudanayaal ka tirsan labada gole ee baarlamaanka soomaaliya oo kulan laqaatay qaar kamid ah odoyaasha & wax garadka Magaalada beledweyne

Next Post

Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee XFS iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Next Post
Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee XFS iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee XFS iyo xubno uu hoggaaminayo oo gaaray Cadaado

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahadceliyey Golaha Wasiirrada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐗𝐃𝐒.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

January 29, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 29 Jannaayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In