Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Cawad” Agendaha ku saabsan warbixinta Guddiga Maaliyadda wuu xiran yahay soo qaadis dambena malahan,”

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Cawad” Agendaha ku saabsan warbixinta Guddiga Maaliyadda wuu xiran yahay soo qaadis dambena malahan,”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in guddoonka golaha ay soo gaartay Warqad ay ku saxiixan yihiin toban Xildhibaan oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, taasoo ujeedkeedu uu yahay tabasho ka dhan ah warbixin maaliyadeedka meelmarinta qoondada Miisaaniyada 2018-ka,waxaana warbixinta golaha u arqiyay Xildhibaan Maxamed Soomaali oo guddiga  ka mid ah.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa Mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocoow iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamuud Xayir Ibrahim ayaa ka hor akhriyay Golaha Xildhibaanada warbixino caddeyn iyo jawaab u ah eedeyntii loo soo jeedeyay Wasaaradda Maaliyadda.

Related posts

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026

Wasiirka Maaliyadda Xuluumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in haba yaraatee wax xaqiiqda u dhow aysan ka mid aheyn Warbixintii Wasaaradda laga qoray, iyadoona isla goobta lagu soo bandhigay Warbixin ay soo saareen 10 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka isla markaana ay iska fogeynayaan ku lug lahaasha qorista Warbixinta ku soo baxday Magaca Guddiga Maaliyadda ee Xukumadda lagu eedeeyay in ay lacag malaayiin ah Musuqmaasuqday.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay habraaca loo maro diyaarinta warbixinada isagoo baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed.

“Warbixin guddi marka golahu la keenayo waa iney soo martaa Guddiga joogtada ah,mana la soo marsiin waana gef,raali gelin baa idinka siineynaa shacabka Soomaaliyeed baa raali gelin ka siineynaa,dalkana meel fiican buu marayaa howl adag oo miisaaniyada 2019-ka noo taala,ansixintii iyo iyo ka doodistii xisaab xirkii 2017-kii,yeynaan waxaan jirin ku mashquulin, yeynaan hay’addaheena isku burburinin, yeynaan Kalsoonida ka qaadin shacabka Soomaaliyeed,intaasi waxaa weeyaan warbixintan habraacii uu xeer hoosaadka qorayay annagu maanaan soo marsiinin waxaa weeye umanna dhammeystirna ee xubnihii soo gudbiyeyna kuma qorna xubnihii la soo wareystayna kuma lifaaqna, waxaa weeyaan waxyaabihii loo baahnaa cadeymahoodana kuma lifaaqna,sidaasi owgeed agendaha ku saabsan warbixinta halkaasi ayuu ku egyahay soo qaadis dambena malahan,”ayuu yiri Guddoomiye Cawad.

Previous Post

Wasiirka Cadaaladda oo ka warbixiyay shirka wasiirada Garsoorka Jaamacadda Carabta oo Khartuum lagu qabtay +Sawirro

Next Post

Guddiga Dib u eegista Dastuurka BFS oo 4-cutub oo ka mid ah Dastuurka wareejiyay si looga soo shaqeeyo

Next Post
Guddiga Dib u eegista Dastuurka BFS oo 4-cutub oo ka mid ah Dastuurka wareejiyay si looga soo shaqeeyo

Guddiga Dib u eegista Dastuurka BFS oo 4-cutub oo ka mid ah Dastuurka wareejiyay si looga soo shaqeeyo

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In