Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Eng. Yarisow “Waxaan aaminsanahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 16, 2018
in Wararka
0
Guddoomiye Eng. Yarisow “Waxaan aaminsanahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16, Abriil 2018—Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah-furay Barnaamijka Wacyigelinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dhalinyaradu qaadan lahaayeen doorkooda ku aaddan horumarinta dalkooda, maadaama ay yihiin saamileyda saxda ah ee dalka.

Duqa Muqdisho waxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in kaalin mugleh ay ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo rajooyinka iyo hadafkooda mustaqbalka, bacmadamaa ay yihiin madaxda iyo hoggaanka berri, ka maamul ahaanna ay diyaar u yihiin wax walba oo kor u qaadaya tayadooda si ay u buuxiyaan doorkooda muhiimka ah.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo cadeeyay taageerada uu u hayo horu-socodka Dhalinyarada ayaa yiri; “Dad badan ayaa dhalinyarada ku eedeeya inay mas’uul ka yihiin burburka Soomaaliya, laakiin waxaan halkaan ka sheegayaa in aad tihiin wadada kaliya ee loo marayo nabadda iyo dhismaha dawladnimada. Waxaana aaminsanahay in aad tihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta,

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ku dheeraaday kaalintii ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku lahaayeen xoriyadda iyo dawlad dhisidda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinta Caasimadda in ay ka shaqeeyaan amniga magaallada, ayna ka hortagaan wax kastoo wiiqaya xasilloonida iyo amniga dalka.

Munaasabadda Daah-furka Wacyigelinta Dhalinyarada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benaadir Mudane Cabdikaafi Maxamuud (Makaraan) iyo dhalinyaro isaga kala yimid 17-ka degmada ee Caasimadda.

–DHAMMAAD—

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka Dalka oo kormeeray xarunta Wasaaradda Macdanta “SAWIRRO”

Next Post

Banaadir Iyo Dekadda Oo Barbaro Ku Heshiiyay Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Next Post
Banaadir Iyo Dekadda Oo Barbaro Ku Heshiiyay Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Banaadir Iyo Dekadda Oo Barbaro Ku Heshiiyay Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In