Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Guudlaawe: “Haraadiga Al-Shabaab waa laga ciribtiraya guud ahaan Gobolka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Guudlaawe: “Haraadiga Al-Shabaab waa laga ciribtiraya guud ahaan Gobolka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guudlaawe

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ka hadlay howlgalka ka dhanka Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayaa sheegay inuu socdo wejigii ugu dambeeyay ee howlgallo lagu cirib tirayo haraadiga Al-Shabaab.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Guddoomiye Guudlaawe ayaa soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Ruunirgood, waxaana uu tilmaamay in ciidanka xoogga ay ku dhiiradeen, iyagoo kaligood ah inay Al-Shabaab ka qabsadaan in ka badan 100 Km, ayna taasi muujinayso awoodda ciidanka xoogga, waxa uu intaa ku daray in Al-Shabaab laga ciribtirayo guud ahaan Shabeelaha Dhexe.

“Ciidanku waxaan ku bogaadinaya talaabada ay qaadaan si loo ciribtiro haraadiga Al-Shabaab, waxaan rajaynayaa meelaha yar yar ee ay ku dhuumanayaan si ay u dhibaateeyaan dadkana in dhawaan gacanta lagu dhigo, lagana sifeeyo Al-Shabaab dhamaan Gobolka waa laga xoreynayaa UGUS iyo guud ahaan Dalka” ayuu yiri Guddomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray ehelada geesiyaashii  Ciidanka Xoogga ee naftooda ku waayay, iyagoo difaacaya  Qaranka dagaalkii ka dhacay Ruun-Irgood, waxaana uu sheegay in saddex u jibaar ciidanka Xoogga ee shahiiday laga dilay Argagaxisada Nabad iyo Nolol diidka ah.

“Waxaan leeyahay ciidanka xoogga waxaa tihiin geesiyaal u dhintay, iyagoo Qarankooda Difaacaya Nabadiidku waa ay sii daciifayaan  waxaana ay ku dhimayaan wada qaldan oo aan ujeeda laheen saddex u jibaar inta Ciidanka Xoogga ka shiiday oo qaarkooda u dhinta ayaa laga dilay Al-Shabaab, waana ay jabeen Argagaxisadu” ayuu yiri Guddoomiye Guudlaawe.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe waxa uu imaanaya, Iyada oo uu socda howlgal balaaran oo Nabad Diidka Al-Shabaab looga sifeynayo Gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

Previous Post

Ururka Haweenka Qaranka oo baaq u diray duubabka dhaqanka Hiiraan iyo SH/Dhexe “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Mas’uuliyiinta hay’adda FAO oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Mas'uuliyiinta hay'adda FAO oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In