Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo aaday safar dibadda ah-Dhageyso

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamanka F. S. oo la kulmay saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Afhayeenka golaha shacabka jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta u amba-baxay dalka Koofur Afrika, isagoo ka qeybgali doona shirka guddoomiyeyaasha  baarlamanada Afrika ee Pan African Parliament oo Soomaaliya xubin ka tahay.

Mudane Jawaari oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka hor inta uusan dalka ka ambabixin ayaa xusay in shirkaas uu yahay mid muhiim ah oo looga hadlayo arimaha dhalinyarada qaaradda Afrika, sidaa awgeedna Soomaaliya arintaas si weyn u daneynayso maadaama tirada ugu badan ee dadka Soomaaliyeed ay dhalinyaro yihiin isla markaana heerka shaqo la’aantana uu aad u sareeyo.

Related posts

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026

“Safarkeyga waxaa uu ku saabsan yahay in aan ka qeybgalo shirka guddoomiyeyaasha baarlamaanka Afrika oo sanadkii mar la qabto kaas oo socon doonta ilaa 11 bishan,” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Jawaari ayaa sheegay in shirka looga wada arinsan doono sida dhalinyarada dalalka Afrika loogu diyaarin lahaa in ay noqdaan hoggaamiyeyaal wanaagsan oo wadamadooda u horseeda maamul wanaag iyo ku dhaqanka sharciga.

HALKAN KA DHAGEYSO

CODKA GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PROF JAWAARI

Previous Post

Akhriso liiska golaha wasiirada Puntland

Next Post

Shirka istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmay-Sawirro

Next Post
Shirka istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmay-Sawirro

Shirka istiraatiijiyadda waxbarashada madaniga ee dib-u-eegista dastuurka oo Muqdisho ka furmay-Sawirro

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha u Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada oo kulan yeeshay

March 31, 2026
0

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir uga qeybgalay Geneva

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi isugu jira wasiiro Iyo...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In