Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo daah furay shir looga hadlayo hanaanka dib u eegista Dastuurka Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari oo daah furay shir looga hadlayo hanaanka dib u eegista Dastuurka Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa daah furay shir looga hadlayo hanaanka dib u eegista dastuurka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen Wasiirada Dastuurka ee Maamul goboleedyada dalka ayaa socon doono muddo saddex cisho ah, kaasi oo looga hadli doono hanaanka dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka ee dalka, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya,  Wasiirka Dastuurka, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo kulanka lagu casuumay.

Related posts

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

February 15, 2026

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv.Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay in muddo labo sano ah lagu soo gabo gabeyn doono hanaqaadka dib u eegista dastuurka dalka, ayna la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka qaadan doonto doorka uga aadan hanaanka dib loogu eegayo dastuurka dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo daah furay shirkan loo qabtay Wasiirada Dastuurka ee dowlad goboleedyada ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada, maadaama looga hadlayo geedi socodka dib u eegista dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan waday kulamo wadatashiyo ah oo lala qaadanayo qeybaha bulshada, si looga talo geliyo hanaanka loo marayo dib u eegista qabyo qoraalka Dastuurka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Qatar “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO():-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Habka Is-Qiimeynta iyo Dib-u-Eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM , oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka laga horgeliyay

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashadii Qof iyo Codka ee ka dhacday...

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

Safiirka JFS ee dalka Koonfur Africa oo kulan la qaatay Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee dalkaas

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(KOONFUR AFRIKA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Mudane Maxamad Sheekh Isxaaq, ayaa kulan ballaaran oo is-xogwaraysi...

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah beeraha degmada Afgooye

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo kormeer shaqo ku tagay qaar kamid ah beeraha degmada Afgooye

February 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(AFGOOYE):-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In