Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari Oo Faah Faahiyey Natiijada Shirka Madaxda Baarlamaanka Carabta Ee Qaahira “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari Oo Faah Faahiyey Natiijada Shirka Madaxda Baarlamaanka Carabta Ee Qaahira “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyey gelinka dambe ee maanta shirka madaxda Baarlamaannada dowladaha carabta ayadoo shirkaasi gebagebadiisiina laga soo saaray war murtiyeed ay ku cad yihiin qodobbadii laga hadlay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo hogaaminayey wafdiga Soomaaliya uga qeybgalay shirka ayaa gebagebadiisa faah faahin ka bixiyey qodobbada ugu muhiimsan ee shirka looga hadlay waxaana uu xusay in natiijada shirka ay ka mid tahay wada shaqeyn joogto ah oo xaga shuruucda ay Baarlamaannadu ansixinayaan oo ay yeelan doonaan Baarlamaannada carabta, in si wadajir ah ay u howlgallaan Baarlamaannada carbeed ayaga oo wada ilaalinaya qadiyadaha carabta iyo in ay Baarlamaannada carabtu ka shaqeeyaan dhiira gelinta maalgelin lagu sameeyo dalalka carabta.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Dhanka Soomaaliya ayuu Guddoomiye Jawaari tilmaamay in Madaxda Baarlamaanka dowladaha carabta ay si wadajir ah u taageereen guullaha iyo hormarka uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku tallaabsaday gaar ahaanna dhinaca sharci dejinta oo ay si dhow ula socdaan shuruucdii ugu dambeysay ee uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sida sharciga maalgashiga shisheeye, iibka iyo qandaraasyada qaranka iyo sharciga ka hortagga lacag dhiqidda ka warqabka shaqadeenna waxey cadeyneysaa muhiimadda ay Soomaaliya siinayaan ayuu yiri Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in khudbaddii uu ka jeediyey shirka uu uga mahad celiyey dalalka carabta muhiimadda ay siinayaan xaaladda Soomaaliya iyo taageerrada ay la garab joogaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana uu ku dhiira geliyey kuna booriyey xiligan maalgashi ay ku sameeyaan Soomaaliya taasi oo ay dalalka carabtu aad u daneynayaan maadaama uu dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sharciga maalgashiga shisheeye.

DSC_0194 DSC_0221 DSC_0228 DSC_0236 DSC_0252

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

Previous Post

Duqa magaalada Muqdisho iyo dhiggiisa Istanbul oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)

Next Post

Madaxweynaha dalka oo booqday Jaamacad ay wax ka bartaan ardayda Soomaalida ee Turkiga+SAWIRRO

Next Post
Madaxweynaha dalka oo booqday Jaamacad ay wax ka bartaan ardayda Soomaalida ee Turkiga+SAWIRRO

Madaxweynaha dalka oo booqday Jaamacad ay wax ka bartaan ardayda Soomaalida ee Turkiga+SAWIRRO

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In