Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo hadallo dar daaran ah u jeediyay Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Guddomiye Jawaari oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Xildhibaan Xaabsade
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka qeyb galay kulan Guddiga Madaxa banaan ee dib-u-eegista Dastuurka loogu wareejinayay nuqulo ka mid ah dastuurka qabyada ah, si ay dib u eegis ugu sameeyaan.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dastuurka, Guddiga joogtada ee ah baarlamaanka u qaabilsan dastuurka, waxaana Guddiga madaxa banaan lagu wareejiyay nuqulo ka mid ah dastuurka, gaar ahaan cutubyada 1aad iyo kan afaraad oo ka hadlaya maqaamka ay yeelaneyso caasimadda, jinsiyadaha, xaduudaha iyo xuquuqda uu leeyahay muwaadinka.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026

Caasho Geelle Guddoomiyaha Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in dib u eegista dastuurka ay ku saleydoonaan danta dalka iyo dadka.

“Soomaalida inta aan ka gaari karno, haddii ay ahaayn lahayd codkeena waxaan urruurineynaa talooyinka dadka, si ay fikir ugu darsadaan dib u eegista dastuurka qabyada ah, anigu waxaan texgelin doonaan afkaaraha dadka ee ku aadan wax ka badalka cutubyo ka tirsan qabyo qoraalka dastuurka” ayay tiri Marwo Caasho Geelle.

Wasiirka Dasuurka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamed ayaa tilmaamay in dastuurka uu dalka yeelanayo mid ku saleysan sinaan iyo cadaalad, isla markaana laga saari doono waxkasta oo ka hor imaanaya jiritaanka danta Ummadda Soomaaliyeed iyo jiritaankooda.

“Farxad ayay noo tahay in aan ka qeyb galo shirkan, waxaan shacabka u sheegayaa in dastuurkan uusan ahayn dastuur dad gaar ah ama meel gaar ah lagu maamulayo, shacabka ayaa iska leh tallooyinkiina ayaa lagu biirinayaa” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dar daaran u jeediyay guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, isla markaana ay xilhdibannada gacan ku siin doonan gudahasha howlaha loo xilsaaray.

“Dhamaan Xildhibaannada ku jira baarlamaanka anigoo ku hadlaya magacooda waxaan idin balan qaadayaa xilka la idin dhiibay waa xil Qarameed, marka maloo kala hari doono sidii aan gacan idinku siin lahayn howsha la idin xilsaaray, howsha waa ammaano, marka Allaha idin fududeeyo, anaguna waxkasta oo aad nooga baahataan diyaar ayaan idin nahay” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo booqasho ku tegtay Gobolka Mudug

Next Post
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo booqasho ku tegtay Gobolka Mudug

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo Degmada Xero Dhagaxley

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa gaaray Degmada Xero Dhagaxley, isagoo qeyb ka ah...

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐮 𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲 𝐊𝐚𝐚𝐥𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐞 𝐊𝐚 𝐆𝐚𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐓𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧 𝐐𝐮𝐫’𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In