Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Jawaari oo maanta furay wada hadal ku saabsan arrinta mowshinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Jawaari oo maanta furay wada hadal ku saabsan arrinta mowshinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Furitaanka Kulankan wadahadalka ah ee la doonayo in lagu xalliyo xiisadaha  siyaasadeed ee ka dhashay mowshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka  ka soo gudbiyeen Madaxweynaha 12-kii August 2015 waxaa goobjoog ka ahaa  Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid  Cali Sharma’arke iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa uga  mahad celiyey Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u aqbaleen ka qeybgalka  wadahadalka,  waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in wadahadalku furan yahay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid  Cali Sharma’arke oo isaguna furitaankii kulanka hadal kooban ka jeediyey  ayaa uga cudur daartay Xildhibaannada dib u dhaca kulankii kan ka horreeyey  waxaana uu xusay in uu diyaar u yahay in uu dhageysto aragtida  Xildhibaannada.

Xildhibaannada Baarlamaanka ee kasoo qeybgalay kulanka oo ka dhacay xarunta  guddoonka golaha Shacabka ee Villa Hargeysa ayaa iyagu muujiyey aragtiyo  kala gedisan, Xildhibaannada qaar waxa ay muujiyeen in wadahadalka lasoo  gebagebeeyo maaddaama uu guddoonka Baarlamaanka horey u sheegay in Mooshinka  la soo afjaray si loo sii amba qaado dhameystirka howlaha dowladda u yaalla.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan shirka dhinacyada ka maqan, waxaana uu intaa ku daray in guddoomiyaha iyo Ra’iisul wasaaraha isla meel dhigi doonaan talooyinkii ka soo baxay shirkii maanta.

Muddada kooban ee la heysto, qaar kale oo Xildhibaannada ahna waxa ay qabeen  inaan wadahadalka las oo afjarin oo uu sii socdo ayadoo Madaxweynaha uu  kasoo qeybgalayo balse mowshinka ay tahay in la soo gunaanudo ayadoo  aragtidaasina ay muujiyeen xubno ka mid ahaa saxiixayaashii mowshinka halka  aragtida seddexaadna ay tahay in mowshinkan uu guddoonku u maareeyo sifo  sharciga waafaqsan oo ah in ugu dambeyn cod lagu kala baxo.

 

Previous Post

R/wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post

Taliayaha ciidanka XDS oo garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyay Jen. Indhaqarshe

Next Post
Taliayaha ciidanka XDS oo garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyay Jen. Indhaqarshe

Taliayaha ciidanka XDS oo garoonka Aadan Cadde ku sii sagootiyay Jen. Indhaqarshe

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In