Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa ka mid noqday Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Soomaaliya, markii uu tartan adag oo dhex maray kaga guuleystay 28 cod, Musharaxa la loollamayay ee C/casiis Cusmaan Yaroow oo isna helay 23 cod.
Sidoo kale waxaa iyana doorashooyinkii Beelaha Banaadiriga ee Maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho kusoo baxday Fahmo Axmed Nuur, oo Tuuma Cusmaan Nuur kaga guuleysatay dhammaan 51-gii Cod.