Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Xildhibaannada Haweenka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Xildhibaannada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulan la qaadatay Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira golaha Shacabka ee baarlamaanka Dalka.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa is xogwareysi iyo hubinta qoondada ay haweenka ku leeyihiin xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka iyo xubnaha Xildhibaannada ah isla garteen ahmiyadda ay leedahay ilaalinta qoondada dumarka ee 30% iyo in la adkeeyo iyada oo haweenka kulanka ka qeyb galay ay aad u soo dhoweeyeen.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa sheegtay in xubnaha sagaalka ah ee Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ay seddax ka mid ah dumar noqon doonaan isla markaana siyaasadda Ururka ay tahay in kor loo qaado awoodda siyaasadeed ee haweenka, ka guddoon ahaanna ay xaqiijin doonaan.

Kulanka sidoo kale waxaa ka qeyb galay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo qeyb ka ah wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka ururkaasi ee booqashada ku jooga dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo guddoomiyay kulan aan caadi ahayn

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Guddoomiyay kulanka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Guddoomiyay kulanka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo Guddoomiyay kulanka xasilinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In