Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo guddoomiyay kulan aan caadi ahayn

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo guddoomiyay kulan aan caadi ahayn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa labaad ee aan caadiga ahayn, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka waxa uu ka koobnaa dhaarinta Xildhibaan cusub, kalmada soo dhoweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana ugu horeyn Habdhowraha Golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux uu dhaariyay Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Intaasi ka dib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo hadal kooban kulanka ka jeediyay ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee Golaha kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Josepoh oo ku casuumanaa kulanka maanta ee golaha.

Guddoomimiyaha Baarlamaanka Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Mudane Joseph Ntakirutimana oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa marka hore u mahadceliyay guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka isaga oo sidoo kale bogaadiyay shaqada uu Golaha Shacabka u haayo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomimiyaha Baarlamaanka EAC waxa uu Golaha Shacabka uga warbixiyay sida uu u dhisanyahay Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo howlaha uu qabto, waxaana uu tilmaamay in muhiimadda Baarlamaankan u dhisanyahay ay tahay ka shaqeynta Horumarka iyo midnimada wadamada ururka ku jira.

Ugu dambeyn waxa uu bogaadiyay dadaaladii Soomaaliya ay ku bixisay ku biiritaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo kaalintii uu baarlamaanka Soomaaliya ka geystay, isaga oo dhinaca kale aad usoo dhoweeyay u diyaar garowga Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku aadan xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Mudane Joseph Ntakirutiman oo guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka warbixin ka siiyay howlaha urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika gaar ahaan baarlamaanka ururkaasi.

 













Previous Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxa horumarinta Xoolaha Talyaaniga

Next Post

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Xildhibaannada Haweenka

Next Post
Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Xildhibaannada Haweenka

Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Xildhibaannada Haweenka

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In