Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo qaabilay wafdi ka socday UNDP

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda hormarinta mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP.

Kulanka uu Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad la qaatay wafdi ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta mashaariicda ee UNDP, waxaa ku wehliyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacbaka Mudane Cabddikariin Xaaji Cabdi (Buux) waxaana kulanka looga hadlay taageerada ay hay’adda UNDP siiso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah loogu eegay howlaha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka horyaalla mudada u harsan madasha Baarlamaanka 9aad, dardar gelinta qorshayaasha lagu howlgelinayo xafiisyo uu Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesho gobollada kale ee Dalka iyo in lasii xoojiyo taageerrada guddiyada iyo shaqaalaha Baarlamaanka ay hada hay’addu siiso.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey Hay’adda UNDP taageerrada joogtada ah ee ay siiso Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Guddiyada Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaana uu xusay iney lagama maarmaan tahay taageerrada ceynkan ah.

Dhinaca mas’uuliyiinta ka socotay hay’adda UNDP ayaa aad u ammaanay sida ay xiligan u socdaan howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si gaar ahna shaqooyinka guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka ay qabtaan waxaana ay ballan qaadeen iney sii xoojin doonaan taageerradooda.

Hay’adda hormarinta mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP ayaa ka mid ah hay’adaha sida joogtada ah u taageera Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayadoo kulankan uu Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka la qaatayna uu muhiim u yahay sii xoojinta iyo wada shaqeynta labada dhinac.

 

 

 

Previous Post

Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda oo bur buriyay baro ay si dhuumaleysi ah u sameysteen Shabaab

Next Post

Ciidanka booliska Galmudug oo qabtay lacago been abuur ah oo la soo geliyay suuqa Gaalkacyo

Next Post
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”

Ciidanka booliska Galmudug oo qabtay lacago been abuur ah oo la soo geliyay suuqa Gaalkacyo

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In