Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Tababar Usoo Xiray Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka “DAAWO”

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Golaha Shacabka Oo Tababar Usoo Xiray Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka “DAAWO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya tababar ugu soo xiray guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tababarkan oo socday mudo todobaad ah ayaa lagu baranayey casharro la xiriira sidii loo dhameystiri lahaa dib u eegista Dastuurka dalka ayadoo ay soo qabanqaabisay hay’adda Max Plan Foundation ee dalka Jarmalka waxaana ka qeybgalay xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ay u xil saarteen dhameystirka dib u eegista Dastuurka.

Related posts

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista labada aqal ee Baarlamaanka Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid oo ka hadlay muhiimadda tabarkan ayaa tilmaamay in mudadii todobada cisho ee ay joogeen Niarobi ay Xildhibaannadu ka kororsadeen waxyaabo badan waxaana uu rajo ka muujiyey in howshan dib u eegista Dastuurka ee loo igmaday ay ku dhammaan doonto si hufan.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo gebagebadii jeediyey khudbaddiisa xeritaanka tababarka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in guul u soo hooyatay ay tahay in guddiyadii iyo wasaaraddii Dastuurka ay si wadajir u wada shaqeynayaan waxaana uu kula dardaarmay xildhibaannada iney waxyaabaha ay kororsadeen ku dadaal sidii shaqadooda looga dareemi lahaa.

Previous Post

Dagaalo dad ay ku dhinteen oo wali ka socda dalka Yamen

Next Post

Akhriso Warbixin: Haweenku Waa udub dhexaadka Bulshadeenna

Next Post
Akhriso Warbixin: Haweenku Waa udub dhexaadka Bulshadeenna

Akhriso Warbixin: Haweenku Waa udub dhexaadka Bulshadeenna

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 19, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka

February 18, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa si rasmi ah caawa u daah-furay tartan...

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo deeq raashin ah gaarsiiyay qoysas danyar ah

February 18, 2026
0

Senator Xasan Iidow Muxumed Kobac ayaa deeq raashiin afur ah u qeybiyay qoysas danyar ah oo ku nool Gobolka Banaadir,...

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

Wasiirka Tamarta XFS oo qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP

February 18, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdillahi Bidhan Warsame, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In