Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Koontaroolada ay ku sugan yihiin ciidamada Booliska ee ammaanka Muqdisho ay ka sugaan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiye Ku xigeenka ayaa tagay Koontaroolada kala ah Waxar Cadde, Daaru Salaam Galgala, iyo Gubadleey halkaasi oo Ciidamada Booliska ay ku leeyihiin Koontaroolo ay ku baaraan gaadiidka.

Ujeedada Kormeerka ayaa ahaa qiimeyn guud oo ku aadan sida Ciidamada ay halkaasi uga shaqeeyaan, waxaana uu dhiirageliyay ciidamada Booliska ee u taagan Suggida ammaanka Muqdisho ee Koontarooladaasi ku soo arkay.

“Waxaan maanta duhurkii kormeer ku tagay ciidamada ku sugan checkpoint yada magaalada laga soo galo gaar ahaan Galgalato iyo gubadley iyo waxar cadde iyo xaafadda daaru salaam halkaas oo ay ka hawlgalaan ciidamo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir.”

“Waxaan ku soo arkay ciidan heegan ah habeen iyo maalin una taagan qoraxda sidii ay dadka magaalada dagan nabadgalyo ugu seexan lahaayeen waxaana ku dhiirigeliyay shaqada ay u hayaan Qarankooda.” Ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiye Tuulax.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday dar dargelinta qorshaha suggida & kormeerka ammaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo Gudoomiye Tuulax inta badan uu kormeer ku sameyay Degmooyinka Muqdisho oo isbedel amni wayn laga dareemaayo.

–DHAMAAD–

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”

Next Post

Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo la daah-furay+ Sawirro

Next Post
Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo la daah-furay+ Sawirro

Barnaamijka Carabiyaynta Dastuurka KMG ah oo la daah-furay+ Sawirro

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In