Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 28, 2018
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Guddiga Nabadgalyada iyo Amniga Midowga Afrika oo soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa maanta Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare iyo Golihiisa Wasiirada waxa ay la qaateen kulan.

 

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Kulankan ayaa looga hadlay Xoojinta Ammaanka Hirshabelle iyo sidii la isaga kaashan lahaayeen dar dargalinta Howlgalada ay ka wadaan ciidamada AMISOM dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac Amniga iyo sidii Hirshabelle looga gacan siin lahaa xoojinta Amniga, sidoo kalena ay dhageystaan baahiyaha iyo caqabadaha dhinaca amniga ah ay qabaan.

Maxamed Idiris Faarax, Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminayay ayaa Madaxweynaha Hirshabelle sharaxaad ka siiyay, ujeedka safarkooda, isagoo xusay in ay salka ku heyso sidii si dhab ah looga shaqeyn lahaa horumarinta dhinaca Amniga Hirshabelle wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay.

Sidoo kale wuxuu amaanay doorka ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Itoobiya ee xaqiijinta Amniga iyo naftii hurnimada ay kaga howlgalaan, wuxuuna bogaadiyay shaqada Hufan ay dadka iyo dalka u hayaan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir, ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Hirshabelle dadaalka uu ugu jiro Hirshabelle oo Horumar iyo Amni buuxa gaarta, sidoo kalena uu sheegay dadku in ay ku dhiiran yihiin in Amni ay gaaraan, si gaar ah waxa uu carabka ku adkeeyay, ka AMISOM ahaan in ay qorsheynayaan in ay balaariyaan howlgalada Hirshabelle laga sameynayo kaasi oo lagu ciribtirayo argagaxisada islamarkaana la isugu furayo wadooyinka kala xiran ee Dowlad Goboleedka.

Kulanka oo saacada qaatay ayaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, si qotodheer kaga hadlayay baahiyaha dhinaca amniga ah ee ka jira Hirshabelle, waxaana uu dul istaagay wadooyinka kala xiran oo cadowgu kala go’doomiyeen bulshada taasi oo caqabad ku ah umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Hirshabelle.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa kaga mahadceliyay wafdigani heerkiisu sareeyay booqashada ay ku yimideen Beledweyne, waxaana uu ka dalbaday in si deg deg loo fuliyo howlgalada la qorsheynayo in laga sameeyo Hirshabelle.

 

 

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowladdda Hirshabelle.

Mustafa Xuseen Cabdulle.

Previous Post

Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed

Next Post

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga “SAWIRRO”

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga "SAWIRRO"

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In