Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 28, 2018
in Wararka
0
Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka saaka ka dhacay xafiiska Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta dalka Koonfurta Suudaan Salvatore Garang ayaa waxaa yeeshay Wasiirka iyo Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalkaas Danjire Xuseen Xaaji Axmed oo ay wehliyaan Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba iyo la taliyaha ganacsiga ee safaarada, waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah sida xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.

 

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Kulankaas waxaa lagu gorfeeyay sidii lacagaha qalaad loogu fududeyn lahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku ganacsata iyo dhibaatooyinka Soomaalida ka haysta isticmaalka bankiyada dalkaas oo waqti soo jiitameysay, iyadoo kulanku uu qayb ka ahaa kulamo badan oo xal loogu raadinayo dhibaatooyinka ganacsatada Soomaaliyeed ee Jubba ku nool oo mas’uuliyiinta safaaraddu ay la yeelanayeen Madaxda wadanka Koonfurta Suudaan

Danjire Xuseen Xaaji Axmed ayaa Wasiirka ka dalbaday in loo fududeeyo ganacsatada adeegyada ay u baahan yihiin ee la xiriira ganacsigooda, isla markaana dowladdu xaliso culeysyada ay la kulmaan, waxaana guddiga ganacsatada  ay gudbiyeen dhankooda cabashada waxaana Wasiirku Maaliyadda balan qaaday in si dhaqso ah ay dowladu uga jawaabeyso cadsiga kaga yimid safiirka iyo Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed.

Danjiraha Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya Koonfurta Suudaan ayaa horay kulan uu xal ugu raadinayo arrimahaan, waxaa uu la qaatay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaas, Wasiirka Arrimaha dibadda, Ganacsiga, arrimaha gudaha iyo kuwa kale.

Previous Post

Guddoonka Golaha Shacabka oo kala diray Guddiga Miisaaniyada, Maalliyadda,Qorsheynta iyo La Xisaabtanka ee Golaha

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In