Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga oo sheegay in aan loo dulqaadaneyn caburinta dhallinyarada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Tuulax “Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah” Dhageyso  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arin dhalinyarada si wayn u hadal hayeen oo ka dhacday Saldhiga Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

 

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay maamulka Gobolka Banaadir inuu baaris ku sameeyay arrin ka dhacday Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo aheyd in ciidanka timaha ay ka jareen dhallinyaro dhawr ah, balse arrintaasi ay ku dhacday amar shaqsi ah oo aysan aheyn arrin uu ka war hayo Maamulka Gobolka Banaadir, balse si deg deg ah loogu sheegay dadkii fuliyay inay arrintaasi joojiyaan.

“Walaalayaal waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay baraha bulshada la isla dhaxmarayay dhallinyaro timaha laga xiirayay oo ay fulinayeen ciidamo ka tirsan Amniga, waxaan ku sameeenay baaritaan si aan u ogaano inay sax tahay iyo in kale, walaalayaal sawirada la isticmaalayay ee ciidanka timaha ka xiiraya dhalinyarada ma ahan sawiro hada la qaaday balse dhacdada tima jarista waxay dhowr maalmood ka dhacday Saldhiga Xamarjajab waxaana waydiinay Hay’adaha amniga cidda amartay in dhalinyarada timaha laga xiiro waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga u gaar ahaa waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hada aan ku jirno in dhalinyarada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan oo kale dhamaan taliyayaasha saldhigyadana waa lagaarsiiyay amarkaaas.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Guddoomiye Tuulax ayaa sidoo kale iftiimiyay amar dhawaan ka soo baxay Duqa Muqdisho oo lagu mamnuucay in 12:00 habeenimo wixii ka dambeeya aysan furnaan karin maqaayadaha ku yaallo xeebta Liido.

“Sidoo kale duqa magaalada wuxuu amray in maqaayadaha ku yaalla xeebta liido aysan furnaan karin 12 ka saqda dhexe wixii ka danbeeya balse amarkaas ma quseenin maqaayadaha kale ee magaalada ku yaalla ee sida caadiga ah loogu ganacsado, waxaana dhacday in saraakiisha amnigu ay u fahmeen guud ahaan maqaaydaha magaalada ku yaalla in la xiro 12 ka saqda dhexe. Waxaana la faray hay’adaha amniga in amarkaas uu ahaa kaliya maqaayadaha xeebta liido ku yaalla”ayuu Tuulax hadalkiisa ku daray.

 

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee magaalada Minya dalka Masar

Next Post

NISA oo hakisay qandaraasyo uu saxiisay Wasiirkii hore ee Amniga

Next Post
Taliska hey’adda Nabadsugidda ee ka howlgala deegannada Galmudug oo Soo saaray digniino+Sawirro

NISA oo hakisay qandaraasyo uu saxiisay Wasiirkii hore ee Amniga

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In