Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga oo sheegay in aan loo dulqaadaneyn caburinta dhallinyarada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Tuulax “Waxaan u baahanahay Muqdisho oo ammaan ah” Dhageyso  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arin dhalinyarada si wayn u hadal hayeen oo ka dhacday Saldhiga Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

 

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay maamulka Gobolka Banaadir inuu baaris ku sameeyay arrin ka dhacday Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo aheyd in ciidanka timaha ay ka jareen dhallinyaro dhawr ah, balse arrintaasi ay ku dhacday amar shaqsi ah oo aysan aheyn arrin uu ka war hayo Maamulka Gobolka Banaadir, balse si deg deg ah loogu sheegay dadkii fuliyay inay arrintaasi joojiyaan.

“Walaalayaal waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay baraha bulshada la isla dhaxmarayay dhallinyaro timaha laga xiirayay oo ay fulinayeen ciidamo ka tirsan Amniga, waxaan ku sameeenay baaritaan si aan u ogaano inay sax tahay iyo in kale, walaalayaal sawirada la isticmaalayay ee ciidanka timaha ka xiiraya dhalinyarada ma ahan sawiro hada la qaaday balse dhacdada tima jarista waxay dhowr maalmood ka dhacday Saldhiga Xamarjajab waxaana waydiinay Hay’adaha amniga cidda amartay in dhalinyarada timaha laga xiiro waxaana noo soo baxday inuu amarkaas ahaa amar shaqsi ah oo taliyaha saldhiga u gaar ahaa waxaana amar ku bixinay inaan la aqbali karin waqtigaan hada aan ku jirno in dhalinyarada lagu caburiyo rabitaankooda shaqsiga ah waxaana amar lagu bixiyay inaysan mar danbe soo noqon arintaan oo kale dhamaan taliyayaasha saldhigyadana waa lagaarsiiyay amarkaaas.” Ayuu yiri Gudoomiye Tuulax.

Guddoomiye Tuulax ayaa sidoo kale iftiimiyay amar dhawaan ka soo baxay Duqa Muqdisho oo lagu mamnuucay in 12:00 habeenimo wixii ka dambeeya aysan furnaan karin maqaayadaha ku yaallo xeebta Liido.

“Sidoo kale duqa magaalada wuxuu amray in maqaayadaha ku yaalla xeebta liido aysan furnaan karin 12 ka saqda dhexe wixii ka danbeeya balse amarkaas ma quseenin maqaayadaha kale ee magaalada ku yaalla ee sida caadiga ah loogu ganacsado, waxaana dhacday in saraakiisha amnigu ay u fahmeen guud ahaan maqaaydaha magaalada ku yaalla in la xiro 12 ka saqda dhexe. Waxaana la faray hay’adaha amniga in amarkaas uu ahaa kaliya maqaayadaha xeebta liido ku yaalla”ayuu Tuulax hadalkiisa ku daray.

 

Previous Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee magaalada Minya dalka Masar

Next Post

NISA oo hakisay qandaraasyo uu saxiisay Wasiirkii hore ee Amniga

Next Post
Taliska hey’adda Nabadsugidda ee ka howlgala deegannada Galmudug oo Soo saaray digniino+Sawirro

NISA oo hakisay qandaraasyo uu saxiisay Wasiirkii hore ee Amniga

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In