Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigalinta Maamulka Gobolka Banaadir Mduane Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo hey’adaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan ayaa Magaalada Samsun ee dalka Turkiga ugu qeyb-galay Madasha Beeraha Dunida.
Madashaan ayaa diirada lagu saaray sida ugu haboon ee loo kordhin karo wax soo saarka beeraha, loona horamumariyo dadka iyo hey’adaha ay quseyso, isla markaana loogu faa’iideysto Magaalooyinka, si loo dhiirageliyo beeraleyda.
Madashaan oo ay ka qeybgalayan Dowlado fara badan iyo daneeyayaasha Horumarinta Beeraleyda ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo 20 July 2023.