Tuesday, April 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye ku-xigeenka labaad Golaha Shacabka oo xoolo guddoonsiiyay ciidanka ku sugan aagga hore ee Gobolka Shabeelaha Hoose “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye ku-xigeenka labaad Golaha Shacabka oo xoolo guddoonsiiyay ciidanka ku sugan aagga hore ee Gobolka Shabeelaha Hoose “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka labaad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa xoolo nool ku wareejiyay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan jiidda hore dagaalka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Deeqdan Xoolaha ayuu Guddoomiye Cawad u marsiiyay odoyaasha dhaqanka Degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana qaar ka mid ah odoyaasha oo goobta ka hadlay ay sheegeen in labada neef ee geela ah loogu talagalay in lagu dhiiri geliyo ciidanka xoogga dalka ee halkaasi ka wada howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, ayna ku wareejiyeen Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo xoolaha lagu wareejiyay ayaa ka mahadceliyay sida ay u garab taaganyihiin dhiiri gelinta ciidanka, waxaana uu xusay in ciidamada ay dhawaan la wareegi doonaan deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Waxaan u mahadcelinayaa Odoyaasha Degmada Marka ee deeqda Geelle naloo soo marsiiyay iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka sida uu u gartay caawinta ciidanka, waxaan dhawaan maqli doontaan war ay ku farxaan bulshada oo ah inaan argagixisada ka xoreyno degmada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose iyo goobo kale” ayuu yiri Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Ciidanka xoogga dalka ayaa dhawaanahan howlgallo qorsheysan ka wada deegaanno dhowr ah oo ka mid ah goobaha ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayaan qaar ka mid ah gobollada dalka.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In